|
|
Page Last Updated: Monday, 24 November 2008 |
|
Home>Ku soo dhawoow Website ka Golaha Magaalada Darebin Welcome to the City of Darebin
Ku soo dhawoow Website ka Golaha Magaalada Darebin Welcome to the City of Darebin | Printer Friendly |
| | Magaalada Darebin waxay guri u tahay 130,000 qof. Dawlada hoose ee Darebin waxaa ku jira xaafadaha: |
| Macleod (qayb ka mid ah) |
3085 |
| Alphington (qayb ka mid ah) |
3078 |
| Bundoora |
3083 |
| Fairfield |
3078 |
| Kingsbury |
3083 |
| Northcote |
3070 |
| Preston |
3072 |
| Reservoir |
3073 |
| Thornbury |
3071
|
|
| | Golaha Magaalada Darebin waa dawlad hoose, oo ka kooban 9 goobood oo doorasho. Deganayaasha goob kasta oo doorasho waxay doortaan wakiilkooda oo loogu yeero:xubin guddiga degaanka ka tirsan (Councillor). Doorka xubnaha degaanka ka tirsani waa inay u doodaan deganayaasha iyo inay hubiyaan in goluhu fuliyo baahiyaha deganayaasha.
Golaha Magaalada Darebin wuxuu hoy u yahay dad ka yimid 126 dal oo kala duwan oo ku hadla 118 af oo kala duwan.
Haddii ay dhibi kaa hayso ku hadalka Ingiriiska, Goluhu wuxuu sameeyey Multilingual Communication Service (Adeega Wada hadalka Afafka badan) si lagaaga caawiyo inaad kula hadasho Golaha afkaaga.
Goluhu wuxuu u qabtaa mawaadiniintiisa adeegyo badan, oo dabooleya baahida deganayaasha laga bilaabo markay dhashaan ilaa da'da gabowga. Guji halkan si aad u ogaato waxyaalo ku saabsan adeegyada Goluhu uu bixiyo iyo sidii aad noola soo xiriiri lahayd. |
| |
|